Ra’isul Wasaare Xamse oo u Mahadceliyay guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga joogtada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa hoygiisa kulan mahadcelin ah ugu sameeyay Guddoonka Golaha Shacabka  iyo Guddiga Joogtada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.

Xamse Barre ayaa sheegay in golaha shacabka qabteen shaqooyin wax tar leh, waxa uuna ku amaanay guddoonka iyo xildhibaannada sida ay u meel mariyeen shuruuco xukuumadda u gudbisay.

Baarlamaanka federaalka labadiisa Aqal ayaa meel mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah ay usoo gudbisay xukuumadda Soomaaliya, kuwaa ay ku jiraan kuwo sannado badan baarlamaanka meel marin waayeen.

- Advertisement -