Bogg Facebook uu ka sameestay Axmed Karaash oo oo maalmo kadib hawada laga saaray

Madaxwayne ku xigaanka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash ayaa dhawaan sameestay Bogg facebook cusub, kadib markii laga diiday in wararkiisa lagu baahiyo barta Facebook ay ku leedahay Madaxtooyada Puntland oo horey loogu baahin jiray .

Warar aan helnay ayaa sheegaya in boggii cusbaa uu dhawaan sameestay Axmed Karaash oo  dad badan ku xirmeen maalmo kadib hawada laga saaray, ilaa hadana lama oga cida ka dambeesay in boggan hawada laga saaro.

Madaxweyne kuxigeeka Puntland Axmed Karaash oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in hawada laga saaray bartii uu ka sameestay Facebooka, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo cida hawada ka saartay bartaasi.

”Waa ka maqan yahay ayaa la igu yiri waana baaraynaa howshii, hawada in uu ka maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa sababta uu uga maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa markaan ogaano ayaan ka jawaabaynaa,” ayuu yiri Mr Karaash.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa dhawaan sameestay bartan cusub ee Facebooka kadib khilaaf soo kala dhax galay isaga iyo Madaxweynaha Puntland, khilaafkaas ayaana sababay in wararka Karaash aan lagu baahin barta Facebooka ee Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -