Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madax kala duwan (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo guud iyo kuwa gaar gaar ahba la qaatay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mudane Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Masar, Mudane Abiy Axmed iyo Mudane Mustafa Madbuuli.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo dowladaha ka soo qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalka Caalamka, iyadoo lagu saleynaayo danta iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxdan ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qabsoomtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA&t=2s

Related posts

Meydka Nin si xun loo dilay oo saakay lagu arkay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne Xasan Kheyre oo si Weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday Xero ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---