Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Magaca iyo Sawirka ninkii ka Dambeeyay Weerar shalay ka dhacay London oo la shaaciyay (Daawo Sawirada)

Booliiska dalka Britain ayaa soo bandhigay magaca, Sawirka iyo dhalashada nin shalay oo gaari dad ku jiirsiiyay koontaroolka laga ilaaliyo xarunta Baarlamaanka Britian oo kutaala magaalada London.

War kasoo baxay booliiska Britain ayaa lagu sheegay in weerarka ka dhacay banaanka xarunta Baarlamaanka in uu ka dambeeyay Salih Khater oo 29-sano jir asal ahaan kasoo jeeda dalka Sudan balsa heesta dhalashada dalka Britain.

Ninkan ayaa la sheegay in uu horey u dhigan jiray Jaamacada Coventry University balse waxbarashada joojiyay bishii May, hay’adda sirdoonka ee MI5 iyo booliiska argagixiso la dagaalanka ayaan wax xog ah ka heyn ninkan weerarka ka geestay London.

Weerarka gaariga u adeegsaday ninkan dhalinyarada ah waxaa ku dhaawacmay sadex qof kuwaa oo la sheegay in xaaladooda ay tahay mid wanaagsan lagana saaray xarumihii caafimaad ee la dhigay.

Booliiska Britain ayaa hada wada baaritaano ay ku sameenayaan ninkan weerarka geestay, walina lama shaacin ninkan kooxda uu katirsan yahay iyo ujeedka ka dambeeyay weerarka uu shalay geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yey Libinta Siisay Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Dhuusomareeb 3 (Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

Xukunno adag oo lagu riday dhallinyaro ku tacadiyay qoys kunool Boosaaso

Cabdi Cade

(Sawirro) Dagaal qaraar oo gobolka Ma’rib ku dhexmaraya Xuutiyiinta & ciidanka dowlada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---