Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo War cusub ka soo saartay badqabka hawada dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka, Fardowso Cigaal ayaa ka warbixisay badqabka duulimaadyada isticmaalka hawada dalkeenna iyo tallaabooyin lagula ilaalinaayo oo wasaaraddu qaaday.
Wasiirka ayaa sheegtay in ay aad uga xun yihiin in dadka ay iska indha-tiraan nidaamka iyo dowladnimada oo wax aysan shaqo ku lahayn dhex galaan, waxayna hadalkeeda intaas ku sii dartay in ay qaadeen tallaabadii ugu horeysay oo lagu ilaalinaayo badqabka duulimaadyada iyo isticmaalka hawadeenna.
”Waxaa jira mitigation step wax la yiraahdo oo ilaa 4-3-5, haddba inta aad adiga gaarsiin karto oo maalinba tallaabo gaar ah aad qaado, tallabadii ugu horeysay oo aan qaadnay waxay ahayd nootamyadii la diray iyo communication-kii, mobiladii niiclaha oo ay haysteen kii ka horumarsanaa (advanced) aan u guurnay, adduunkana u sheegnay ku niri nidaamkaas ayaa u guurnay, diyaaradahana u sheegnay in aysan dhageysan oo ay inagu si toos ah inoola soo hadlaan,”. ayey tiri wasiirada.
Sidoo kale, Wasiir Fardowso Cigaal, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka la isla dhexmariyay ee sheegaya in uu khal khal ka jiro badqabka duulimaadyada, waxayna wasiir Fardowsa carabka ku adkeysay in ay awood buuxda u leeyihiin maamulka hawada ee dalkeenna.

Haya’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Somaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada.

Related posts

Kooxo hubeesan oo ka dagaalamaya Dhismayaal kuyaala Laamiga Maka Al Mukarama

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo sheegay in Somaliland Maalgaliso Al Shabaab raalina looga yahay

Cabdi Cade

Wiilka uu dhalay Musaveni oo guur ka dalbaday Ra’isul Wasaraha cusub ee Talyaaniga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---