Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Baardheere & Masuuliyiin ku dhaawacmay

Qarax Ismiidaan ah ayaa saaka lagu qaaday Guriga Martida ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhismahan waxaa degan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolkaas.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmada Baardheere iyo nawaaxigeeda ayay wararka qaar sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga suu buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya qaraxa ay ku dhaawacmeen Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Gareed & Abaandulaha qeybta 43aad Col.Labaale, iyadoo askar ilaaladooda ka mid aheydna ay halkaas ku dhinteen.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa DF ayaa la geeyay Goobta uu weerarka ka dhacay, iyagoo xiray dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa aagaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dhawaqa qaraxyo iyo rasaas weli laga maqlayo aaga guriga martida ee weerarka is-miidaaminta ah lagu qaaday, waxaana go’an isgaarsiinta degmadaas.

Xaalada Degmada baardheere ayaa kacsan, iyadoo saaka aan la furin goobaha ganacsiga cabsida iyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee degmadaas ka jira awgood, jidadka degmada ayaan sidoo kale ka jirin socodka dadka iyo gaadiidka.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALAH

- Advertisement -