Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo markii 3aad booqasho ku tagay Magaalada Asmara (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Siikh Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku tagay magalada Asmara ee dalka Eritreya.

Xassan Shiikh ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Asmara Dhigiisa dalkaas Isaias Afawerk.

Lama oga illaa hadda ujeedada safarka Madaxweyne Xassan Shiikh ku tagay magaalada Asmara hase ahaatee Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebrameskel ayaa boggiisa ku sheegay in labada hogaamiye aay wada hadli doonaan xiriirka labada dal & arrimaha gobolka.

Booqashadan oo ah tii 3aad ee Madaxweyne Xassan Shiikh ku tago Asmara tan iyo markii la doortay sanad ka hor ayaa ku soo aadeysa xili ay dalka ku soo laabteen inta badan ciidamo kumanaan gaaraya oo Dowlada Somalia loogu tababaray dalka Eritreya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Booskiisa waayay oo afka furtay & Dhismaha Maamulka Hirshabelle iyo Farmaajo oo dhib kala haysta !!

admin

Max’ed Nuur Aadan oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya

Caydiid Ali

Dal Afrika kuyaala oo Maxkamad gaar ah u sameesanaya falalka Musuq maasuqa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---