Taliska Booliska & Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray arrin xasaasi ah (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane. Yusuf Xuseen Madaale, ayaa Xarunta Taliska Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir kula kulmay Taliyeyaasha Saldhigyada Boliiska iyo Guddoomiyeyaasha Degmaayinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd sugida iyo Adkeynta  Amniga iyo Xasiloonida dadka ku dhaqan caasimada iyo Nawaaxigeeda. Maadaama, xioliga bishii barakeysneyd ee Ramaadaan oo haatan wax 10 cisho ka yar ay ka dhiman yihiin.

Waxaa kulanka Warbixino iyo talooyin la xiriira sugida amaanka magaalada Muqdisho looga dhegeystay saraakiisha qeybaha booliska iyo kuwa saldhigyada Booliska caasimada.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka 1-aad ayaa kormeeray Taliska Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

Taliyaha ayaa Ciidanka kula dardaarmay ilaalinta shuruucda,  Xeerarka Ciidanka, u dhimrinta shacabka Soomaaliyeed iyo adkeynta Amniga iyo Xasiloonida maadaama ay Bisha Barakeysan ee Ramadaan nagu soo food leedahay.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, oo ay wehliyaan Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka,  Taliyaha Qeybta Guud iyo Agaasinka Isbitaal Madiina ayaa maanta kormeeray Isbitaalka. Isla markaana, dhagaxdhigay wajiga 1-aad ee dhismaha Qeybta Hooyada iyo Dhalaanka ee Isbitaal Madiina. Kaas oo kaalin weyn u buuxundoonaa Bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -