Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Daawo Muuqaal “Dr Maxamed Xaaji Ingiriis oo BBC Africa ka wareystay xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika !!

Dr Maxamed Xaaji Ingiriis oo BBC Africa ay ka wareystay xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika Is-bedelka ku dhacay hoggaankii dalka Itoobiya ayaa loo aaneynayaa inuu beddelay siyaasaddii iyo diblomaasiyaddii gobolka Geeska Afrika.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah mutacallim Daraasaadda PhD ka wada Jaamacadda Oxford, isla markaana bixiya casharo ku saabsan qaska iyo qalaalasaha Afrika, ayaa BBC qeybteeda la hadasha ay xalay si toos ah wax uga weydiiyeen cawaaqibka ka dhashay dhaqdhaqaaqyada ka socda Geeska Afrika.

Mudane Ingiriis ayaa sheegay in, marka ugu horreysa, ay tahay wax yididiilo leh oo mudan in la bogaadiyo heshiisyada dhex maray Soomaaliya iyo Eritrea oo dhinac ah iyo Itoobiya iyo Eritrea ah oo dhanka kale ah.

Hase yeeshee, wuxuu yiri waxaa jirta in Soomaaliya aysan xuduud lahayn Eritrea, balse waxaa muuqata in hoggaanka ka taliya Eritrea uu inkirayo Djibouti, loona baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay qabanqaabiso wadaxaajood dhex mara labadaas waddan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waddamada G7 oo boggaadiyay horumarada Dowdda Soomaaliya ku tallaabsatay

Cabdi Cade

Puntland oo dib u dejin u sameysay qoysaskii laga soo saaray Laascaanood (Sawirro)

Caydiid Ali

Funaanad loo diyaariyay Halyeygii Kubadda Cagta ee Pele oo lacag badan lagu iibinayo !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---