Allbanaadir.com
NEWS

Waddamada G7 oo boggaadiyay horumarada Dowdda Soomaaliya ku tallaabsatay

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ee Kanada, faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga Jaban, Boqortooyada UK Maraykanka iyo Ergayga Midowga Yurubka ayaa boggaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Sidoo kale waiiradda waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarirada dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Wasiiradda waddamada G7 ayaa sidoo kale soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka wadanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii jirtay ku tallaabsatay horumaro badan ,sida horumarinta dhaqaalaha ,dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale oo badan.

 

Related posts

Jahawareer ka dhashay gabdho walaalo Sucuudiyaan ah oo maydkooda laga helay dalka …

Cabdi Cade

Kenya oo bilowday hanjabaad & aargoosi ah ka dhan ah Soomaalida dalkeeda ku nool

Cabdi Cade

Garsoorayaal uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo Sharci daro lagu tilmaamay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---