Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo ciidanka DDS ku eedeysay iney ka qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood

Somaliland ayaa markii ugu horreysay sheegtay in ciidamo ka yimid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay qayb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Qodobo dhowr ah oo ka soo baxay kulan uu madaxweyne Muuse Biixi ku hoggaaminayay shirka golaha wasiiradda Somaliland ayaa looga hadlay xaaladda Magaaladda Laascaanood oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalo u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka degaanka

War-murtiyeedka ka soo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in ciidamo ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo taageeraya kuwa deegaanka ay ka dagaalamyaan Laascaanood.

“Waa in Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, Ciidammada kala duwan ee ay dawladuhu u soo Tababareen Dawladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Eedeynta Somaliland ayaa imaanaysa xilli guddi dhexdhexaadan ah oo ka socda dowladda Itoobiya ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood si loo soo afjaro dagaalka Laascaanood.

Somaliland, ayaa marar badan maamul goboleedka Puntland iyo ciidamada dowladda federaalka ku eedeysay ka qayb qaadashada dagaalka muddada bisha ku dhaw ka socda Laascaanood.

Puntland ayaa horay u beenisay in ciidamadeeda ay ka dagaalameen Laascaanood balse Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markii ugu horreysay ay Somaliland u jeedisay eedeyntan ayaan weli ka hadlin arrintan.

Qiyaastii 150 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, boqollaal kalena wey ku dhaawacmeen dagaal culus oo muddo bil ka badan ka socda magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda, iyadoo dad gaaraya 185 kun ay ku barakaceen dagaalkaas sida ay sheegtay QM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo si cajiib ah uga hadashay Heshiiskii ay gaareen Dowladaha Somalia iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo la sheegay in ay Itoobiya ka codsatay Sii deynta Qalbi Dhagax !!

Cabdi Cade

Sadex Nin oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Jaamacada Gaarisa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade