Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiisha Maamulka TPLF oo beeniyey warar saacadihii la soo dhaafay la faafiyey

Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa beenisay in ay maamul ku meel gaar ah ka dhisteen gobolka waqooyi sida uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November ee sanadkii hore.

Wakaaladaha wararka ee maxaliga ah ayaa sheegaya in kooxda TPLF ay soo gabagabaysay dhismaha maamul ku meel gaar ah oo ka kooban 28 xubnood, kaas oo u baahan ogolaanshaha dawladda dhexe.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray la dhisi doono oo kaliya ka dib wada tashiyo dhexmara dhinacyada qaybta ka ahaa heshiiska Pretoria.

“Wararka sheegaya in maamul ku meel gaarka ah lagu dhisay Tigray iyada oo aysan dowladda ku lug lahayn ayaa ah mid xaqiiqada ka fog” ayuu Mr Getachew ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter Axadii.

Xisbiyada siyaasadeed ee waaweyn ee gobolka ayaa ku baaqaya in la helo dowlad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay si ay u maamusho gobolka iyadoo isku dayaysa inay ka soo kabsato dagaaladii sokeeye ee khasaaraha geystay.

Source: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cagjar oo soo saaray amar lagu xoojinayo qoraalka afka Soomaaliga

Caydiid Ali

Mooshin maanta loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Somaliland oo jawaab culus ka bixisay go’aanadii ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---