Somaliland oo jawaab culus ka bixisay go’aanadii ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka

Xukuumada Somaliland ayaa  ka jawaabay go’aanadii ka soo baxay xisbiyada mucaaradka oo sheegay ineysan wixii hadda ka dambeeya Madaxweyne u aqoonsaneyn Muuse Biixi oo shalay uu ka dhamaaday muddo xileedkii la doortay

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa nasiib daro ku tilmaamay go’aamnda kasoo baxay mucaaradka, isagoo sheegay inay yihiin qodobo Somaliland meel aanu sharci ka jirin u ekaysiinaya.

“Waxa caawa nasiib daro ah, in muwaadiniin dalkan Somaliland u soo tartamay oo dalkan raba inay madaxweynayaal ka noqdaan, horayna ugu soo tartamay, inay sheegaan in Somaliland aanay ahayn dal ay dowladi ka jirto, dalka ayna dowladi ka jirini waa dal aan madax lahayn ” ayuu yiri Maxamed Kaahin Axmed.

Waxaa uu intaas ku daray in mucaaradka madaxweynaha oo kali ah aysan mucaarad ku ahayn, balse ay diidan yihiin dowladnimada Somaliland oo dhan madaama oo ay sheegeen in anay aqoonsanayn xukuumada Madaxweyne Biixi.

“Muddo kordhinta ay guurtidu madaxweynaha u sameysay waa xalaal maadaama golaha guurtida uu sharcigu siinayo awooda muddo kordhinta, musharax Cirro xiligii uu ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada isagoo 5 sanno la doortay uu 7 sanno muddo kordhin ku fadhiyay” ayuu yiri Wasiirka

La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasada Cali Maxamed Waran Cadde, oo ka mid ah gudddi dhexdhexaadinayey madaxweynaha iyo mucaaradka, ayaa sheegay in mucaaradku ay ku fududaadeen go’aamada ay soo saareen, isagoo xusay iney sii socon doonaan wadahadalka si xal looga gaaro muranka ka taagan doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -