Saraakiil ka tirsan Boliska Malta oo Tacadi u geystay Soomaali 19 jir ah (Sawirro)

Saraakiil ka tirsan Boliska Jesiirada Malta ayaa la soo bandhigay iyagoo Tacadi u geysanayo Muwaadin Soomaaliyeed oo 19 jir ah.

Muuqaal Video oo laga duubay Dhacdadaasi ayaa waxa uu muujinayaa Saraakiil laad iyo Jeebayn kula kacay Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabo Faysal Carab Maxamed.

Muuqaalka waxaa si cad looga dheehan karaa iyadoo mid ka mid ah Saraakiisha  Boliska oo laad ama darbo la dhacayo Dhibanaha Soomaaliga.

Dhacdadan waxay bishii la soo dhaafay ee February 26-dii ka dhacday magaalladda Xeebta leh ee Saint Julian oo ku taalla W/bari ee Jesiirada Malta, wax yar kadib, markii uu Muwaadinka Soomaaliga ka soo cararay Saldhiga Boliska ee magaalladdaasi.

Muuqaalka waxa kaloo ka muuqda iyadoo ay Askarta cayrsanayso Muwaadin Faysal Carab, oo isaga ay dantu biday inuu Kabihiisa iyo waxyaabaha kale ku tuuro Barxad ay Gaadiidka Boliska yaalleen.

Warkan oo Qeybta Wararka ee Ustaad Nuradin Page ka soo xigtay Warbixin iyo Muuqaal shalay lagu baahiyey Shabakadda newsbook.com.mt ayaa lagu xusay in muddadii ay Boliska xirayeen Dhibanaha la arkayey Sarkaal laad ama darbo la dhacayey Muwaadinka Soomaaliga.

Dhibanaha ayaa la sheegay in la xiray, kadib, markii lagu eedeeyey inuu burbur u geystay dhowr Gaadiid oo ay ku jiraan kuwo ay Boliska lahaayeen.

Dhanka kale, Sarkaalka ka tirsan Boliska Jesiirada Malta ee Tacadiga iyo Xadgudubka u geystay Dhibanaha ayaa waxaa ku socota Baaritaan la xiriira Falka Waxuushnimada ee ka baxsan Xeerarka Boliska ee uu geystay.

Inkastoo Sarkaalka Tacadiga geystay la sheegay in lagu hayo Baaritaanka Kiiskiisa, haddana lagama joojinin Waajibaadkiisa Shaqo inta uu socdo Baaritaanka oo laga yaabo inay qaadato ilaa 2 Toddobaad.

Nuradin Ahmed Dini
Mogadishu, Somalia

 

 

- Advertisement -