Allbanaadir.com
NEWS

Qalab weyn oo dul sabeenayay biyaha dalka Turkiga oo la bur buriyay

Dowladda Turkiga ayaa qaaday tallaabo ay ku bur burineyso qalab weyn oo aan la aqoon waxa uu yahay oo shalay oo jimco ah lagu arkay biyaha badda dalka Turkiga isaga oo dul sabeenaya.

Qalabkan aan la aqoonsan ayaa lagu arkay xeebaha gobalka Ordu ee Badda Madow, waxaana dowladda Turkiga si deg deg ah u go’aamisay in ciidamada qalabkaasi bur buriyaan si aysan dhibaato uga imaan.

Wakaalada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu ayaa shaacisay in qalabka la burburiyey oo baaxadiisu lagu qiyaasay Fuusto oo kale ayey Ciiddanka ammaanka maareeyeen iyaga oo kaashanaya hay’adda masiibooyinka iyo maaraynta gurmadka deg dega ee AFAD.

Ciidamada Turkiga ayaana dadka deegaanka ka daad gureeyay dhismayaasha ku dhaw dhaw goobta lagu bur burinayay qalabkan laga shakiyay, waxaana dadka la geeyay goobo ammaan ah intii uu howlgal bur burinta socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo Waji cusub lasoo baxay kana laabtay go’aankiisii hore !!

Cabdi Cade

Madaafiic maanta lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

admin

Itoobiya oo shaacisay Qorshe culus oo halis ku ah Soomaaliya & dama Farmaajo oo Somaliland ka xanaaqday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---