Madaafiic maanta lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay Xaruna Madaxtootada Soomaaliya oo kutaala Degmada Wardhiigley, waxaana madaafiicdaasi la sheegay in ay ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw Madaxtooyada.

Dadka degan xaafado ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa sadex Madfac kusoo dhaceen Xaafada loo yaqaan 15-ka May oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wali lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay maadiifcan maanta lagu weeraray xarunta Madaxtooyada, sidoo kale lama oga in madaafiicda qaar ay gudaha u galeen xarunta Madaxtooyada.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in dagaayahano katirsan Al Shabaab xarunta Madaxtooyada ku weerareen ilaa Sideed Madfac, mana sheegin Al Shabaab in madaafiicdaasi ay tuureen uu khasaaro ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -