Madaxweyne Xaaf oo Waji cusub lasoo baxay kana laabtay go’aankiisii hore !!

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabada xiritaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in uu dib ugu soo noqday shaqada maamulka.

Xaaf oo horey u shaaciyay in Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya u wakiishay howlaha Galmudug ayaa hada mar kale ka laabtay go’aankaasi, waxa uuna cadeeyay in hada kadib Wasaarada aysan kaligeyd shaqada qaban doonin ayna wadaagi doonaan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in hada waxii ka dambeeya uusan marti ka noqon doonin howlaha shaqo ee Galmudug, waxa uuna xusay in Wasaarada arimaha gudaha aysan howsha kaligeed hada kadib ku noqon doonin.

”Hada kadib marti ugama noqoneyno Wasaarada arimaha gudaha howlaha maamul, waa in wadajir loo sameeyaa guddiga farsamada ee maamul u sameynta,waxaan kaloo ku talin in Xildhibaanada la xulaya aysan noqon kuwa Xamar laga keeno oo maalintii la rabo loo yeero” ayuu yiri Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in Wasaarada arimaha gudaha kala shaqeeyaan magacaabista guddiga farsamada iyo sidoo kale guddiga doorashooyinka.

“Wixii hadda ka dambeeya waxaa rabnaa anagoo Galmudug ah iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha inaan wada socono rabnaa, Guddiga la sameynayo inaan ku ogaano oo aan ka wada shaqeyno, ma rabno in aad keligiin noqotaan, ma yeeleyno, odayaasha waa isu keenteen waa mahadsan tihiin, laakiin Xildhibaanada iyo wixii kale ee la keenayo waa wada ogaaneynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa mudooyinkii dambe marti ka ahaa howlaha ka socday magaalada Dhuusomareeb, dowlada federaalka gaar ahaan Wasaarada arimaha gudaha ayaana majaraha u heysay shirka dib u heshiisiinta iyo arimo kale oo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -