Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ilhan Omar: “Waxaan ka argagaxay Yuhuuda la dejiyey Tuullooyinka Reer Falastiin”

Hadal-qoraal oo ay  Xildhibaanad Ilhan Omar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka soo saartay ayey ku sheegtay in wax laga argagaxo tahay arrintaasi oo horseeday inay Toddobaadkan dadka Israa’iiliyiinta  gubaan Tobaneeyo Guryo iyo Gaadiid iyo dhimashada qof aan waxba galabsanin iyo dhaawaca in ka badan 100 qof oo Reer Falastiin ah.

Ilhan Omar waxay tiri: “Dowladda Maraykanka waa inay raadiyaan Isla-Xisaabtan Dhab ah oo ku saabsan Xadgudub kasta oo ka dhan ah Sharciga Caalamiga”, waxayna sii raaciyey in loo baahan yahay in hubiyo in Dollarka Canshuuraha Maraykanka aanan lagu maalgelinin Falalka Xadgudubyada ku ah Xuquuqda Aadanaha.

Xildhibaanad Ilhan Omar waxay xustay in Falalka Is-ballaarinta weyn ee Israa’iiliyiinta lagu dejinayo Deegaanada Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ay tahay Tallaabo lagu burburinayo Rajo kasta oo laga lahaa Xalka Laba Dowladood ee Falastiin iyo Israel.

Ustaad Nuradin Ahmed Dini
Mogadishu, Somalia

Related posts

Musharax ku baaqay in la hubiyo Nuuca ay yihiin Diyaarado Drone ah oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe & Taliyaha AFRICOM oo qodobo Muhiim ah ka wada hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wareegto ku saabsan Muddo Xileedka Baarlamaanka Galmudug ee Waqtiga Kalaguurka oo lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---