Musharixiinta ka horjeeda Axmed Madoobe oo Magacaabay guddi doorasho (Akhriso)

Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee kasoo horjeeda Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Guddi Doorasho oo qaabilsan soo xulista Xidhibaannada iyo Qabanqaabada doorashada Madaxweynaha maamulkaasi

Musharixiintan oo la baxay Golaha Musharixiinta Badbaadada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shir ka dhacay Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay Guddigan oo noqonaya kii labaad ee maamulka Jubbaland yeelato iyadoo uu shaqeynayo Guddiga uu magacaabay Axmed Madoobe.

Guddiga ayaa ka kooban 11 Xubnood, waxayna arrintan cirka ku sii shareereysaa dhibaatadda ka taagan qaabka Doorashada Jubbaland oo Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay inuu u awood sheeganayo musharaxiinta ka soo horjeeda.

Xaaladda Jubbaland ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxeysa, iyadoo ismari waaga ka taagan doorashada hogaanka maamulkaas laga cabsi qabo iney weji kale ka yeelato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -