Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tagaya mid kamid ah Maamul Goboleedyada dalka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa si weyn looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda, waxaana la adkeeyay ammaanka goobaha muhuumka ah ee magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u tagaya magaalada Kismaayo xal u helida khilaafka ka jira maamulka Jubbaland gaar ahaan arrimta gobolka Gedo uu ka jiro maamul diidan Jubbaland.

Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah oo xal loogu helayo khilaafka gobolka Gedo la qaadan doona madaxweyne Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa, waxa sidoo kale kulamada looga hadli doonaa howlgalada ka dhanka ah Al Shabaabka jooga Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -