Xukuumada Somalia & Golaha dhaqaalaha Qaranka oo kulankii ugu horeeyey yeeshay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Waxaa shirkan looga hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa kobcinta Dhaqaalaha Dalka si loo gaaro hadafka guud ee ah in la gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Intii kulanku uu socday ayaa waxaa dhamaan ka qayb galayaashu waxa ay soo dhaweeyeen dhismaha iyo hawl gelinta  Golaha dhaqaalaha Qaranka ” National Economic Council” oo dhawaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ku magacaabay wareegto si ay dawladda kala shaqeeyaan arrimaha dhaqaalaha dalka.

Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo dib u soo celinta dhaqaalaha Qaranka si looga baxo duruufaha Dhaqaale ee uu wadanka dib u dhigay, si nolosha dadka Soomaaliyeed ay wax badani isaga bedelaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -