Masuuliyiin loo heysto musuq-maasuq xoog leh oo Maxkamad la soo taagay

Maxkamad ku taalla Kenya ayaa lasoo taagay Labo mas’uul oo sarsare kuwaasoo lagu eedeynayo inay si musuq ah u maamuleen mashruuc ku fadhiyay $3.2 bilyan dollar oo Shiinaha ay qad tareen ugu dhiseen dalka Kenya.

Labada mas’uul ayaa kala ah Atanas Maina, agaasimaha wakaaladda tareenka Kenya iyo Maxamed Wazuri oo ah guddoomiyaha guddiga dhulka ee dalka Kenya, waxaana loo haystaa in ay saxiixeen lacag dhan $2 milyan oo la siiyay dad si aan sax ahayn u sheegtay in ay leeyihiin dhul la marsiin lahaa qadka tareenka.

15 kale sarkaal ayaa isla fadeexadan iyaguna dacwad lagu soo oogay, kuwaasoo dhamaantood beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Qadkan tareenka ayaa isku xira inta u dhaxaysa Mombasa iyo Nairobi, waxaana la doonayaa in lagu xiro illaa dalalka dariska ah.

Balse hadda waxaa soo baxaysa in muddo sanad ah oo uu shaqaynayo uu galay qasaare dhan $100 milyan oo doolar.

Dad badan oo reer Kenya ah ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay dowladda ka qaaday musuqa, Waxaana dadka lasoo xiray ka mid ah agaasimeyaasha shirkado dhawr ah oo la sheegay inay sameeyeen ganacsiyo sharci darro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -