Ciidanka Dowladda oo qabtay xubno katirsan Al Shabaab oo Sahan ahaa (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose ayaa la sheegay in gacanta ku dhigeen xubno katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa jiinka Wabiga.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysay saraakiil katirsan ciidanka milatariga ayaa sheegay in ragan la qabtay oo saddex ahaa ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab sidoo kale kooxdaasi sahan u ahaayeen.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in xubnahan looga shakisan yahay in Al Shabaab sahan u ahaayeen lagu sameenayo baaritaano loona gudbin doono hay’addaha ammaanka s baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan.

Ciidanka milatariga Soomaaliya iyo ciidanka maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Baar-sanguuni ayaa marar badan la kulmay weeraro culus ay kusoo qaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -