Abwaan ka tirsanaa kooxda Heegan oo lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobollada Qaranka, gaar ahaan kooxda ciidamada Booliska ee Heegan ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho

Koox Bastoolado ku hubeysnaa ayaa galabta weerar gaadmo ah ku dilay ALLAHA u naxariistee Abwaan Baashi Macalin Maxamuud  oo ka mid ahaa  kooxda Heegan ee ciidamada Booliska, iyadoo dilka uu ka dhacay xaafadda Arjentin, degmada Kaaraan.

Goob joogayaal ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in abwaanka lagu toogtay agagaarka Gurigiisa, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilkiisa geysatay, waxaana markii dambe goobta tegay ciidamada Amniga.

Ma jirto weli cid sheegatay dilka Abwaanka, iyadoo Hay’adaha Amniga aysan wax war ah kasoo saarin dilkan oo ku soo beegmaya xili muddooyinkan ay si weyn hoos ugu dhaceen dilalkii joogtada ahaa ee magaalada ka dhici jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -