Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii caawa ka dhacay Muqdisho iyo dadka ku dhintay

Dagaal xooggan oo muddo daqiiqado ah socday ayaa caawa ka dhacay isgooska Siinay ee  Muqdisho, waxa uuna dagaalkan u dhaxeeyay ciidamo isugu jiray nabad sugid iyo booliis oo ku sugnaa bar-koontarool iyo ciidamo la socday guddoomiyaha degmada Yaqshiid.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa ka dhashay is fahmi waa labada ciidan soo kala dhax galay, waxaana xilligaa kaddib ciidamada halkaasi ku dhax maray dagaal culus oo la isku adeegsaday hub kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dagaalka oo daqiiqado socday halkaasi ka qarxay xilli goobta ku sugnaayeen shacab badan, waxaa sidoo kale laamiga marayay gaadiid iyo mootooyinka bajaajta.

Ku dhawwaad shan qof oo shacab ah ayaa dagaalka ku dhintay, waxaana dadka dhintay ku jira wiil iyo gabar hal mooto wada saarnaa ,kuwaa oo ay haleeshay rasaastii labada ciidan ay is dhaafsanayeen.

Dagaalka ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad  kale oo shacab iyo ciidan isugu jira , waxaana dadka ku dhaawacmay dagaalka ku jira guddoomiyaha degmada Yaqshiid ee dagaalka ku lugta lahaa.

Laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaaan ka hadlin dagaalkan khasaaraha badan dhaliyay ee caawa ka dhacay isgooska Siinay, waxaana goobta dagaalka ka dhacay gaaray saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowladda.

Maalmo kahor ayaa sidan kale isgooska Siinay waxaa uga dhacay dagaal isna u dhaxeeyay ciidamada ku sugnaa barta koontarool ee halkaasi taala iyo ciidamo kale uu watay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -