(Sawirro) Aadan Madoobe oo booqday Masjidka uu ku aasan yahay Shiikh C/qaadir Jeylaani

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Masaajidka uu ku aasan yahay Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ku yaala Magaalada Baqdaad ee Caasimada dalka Ciraaq.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marka uu booqday waxaa ku soo dhaweeyay Culimo iyo Iimaamka masjidka, isagoo la wadaagay dadka soo siyaarta qabriga Sheekha oo ka kala yimaada dalal fara badan oo dunida dacaladeeda ku yaalo, waxayna uga mahadceliyeen imaatankiisa.

Shiikh C/qaadir Jeylaani ayaa ka mid ahaa culimada aasaasay dariiqada Suufiyada isagoo ka qeyb qaatay fidinta iyo barashada diinta Islaamka.

Waxaa uu ku dhashay magaalo la yiraahdo Jilaan oo ka tirsan hadda dalka Iran sanadii 472 taariikhda hijriga oo ku beegan sanadkii 1077 ee miilaadiga, waxaana uu ahaa Imaam suufi ah waxaana lagu tiriyaa in dariiqada Qaadiriyadu ay isaga kasoo jeedo.

Kadib markii Shiikhu uu xoogaa culuumta diinta ha qaatay culimadii berigaas joogtay waxa uu u safray dhanka Magaalda Baqdaad ee caasimada wadanka Ciraaq taariikhdu markaas waxay ahayd 488 hijriga. waxa uu ahaa sideed iyo toban jir. kadib waxa uu ku biiray Madrasad lagu magacaabi jiray Shiikh Abu Saciid almakrami, waxa uu noqday Shiikh wayn waxaana dariiqada Qaadiriyada ee isaga loo nisbeeyo aad looga qadariyaa dalal ay ka mid yihiin Masar, Suudaan iyo meelo badan oo ka mida bariga Afrika oo Dhulka Soomaalidu ka mid yahay, wuxuuna geeriyooday sanadkii 1166 Miilaadiga isagoo 90 sano jir ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -