Puntland oo iska fogeysay eedeymo culus oo kaga yimid Somaliland (Akhriso)

Puntland ayaa mar kale iska fogaysay iney ku lug leedahay dagaalka ka socda gobolka Sool ee u dhaxeeya Somaliland iyo xooggaga SSC.

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka ka socda Laascaanood uu dhexmarayo dadka degaanka iyo ciidamada Somaliland.

Hadalka Puntland ayaa jawaab u ahaa hadal saaka ka soo yeeray Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo ciidamada Puntland ku eedeysay dagaalka ka bilowday Laascaanood iney soo qaadeen maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxo ay ku sheegeen “nabad-diidka iyo argagixiso” iyagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda weerarka ay qaadi doonto Puntland.

“Beesha Caalamka iyo waddamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Somaliland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA PUNTLAND

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -