Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Dhulgariir kale oo ku dhuftay gobolka Nigde ee dalka Turkiga

Dhulgariir cusub oo cabirkiisu dhan yahay 5.3 ayaa ku dhuftay gobolka Nigde ee bartamaha dalka Turkiga.

Dhulgariirku wuxuu lahaa qoto dheer todoba kiilomitir (4.34 mayl) wuxuuna ku dhuftay degmada Bor saacadu markay ahayd 1.27 pm waqtiga dalka Turkiga wakaaladda maareynta masiibooyinka Turkiga AFAD ayaa sidaas sheegtay.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Dhulgariirka ayaa imaanaya iyadoo Turkiga uu la daalaa dhacayo dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii mataanaha ahaa ee 6-dii Febraayo ka dhacay gobolka koonfureed ee dalka.

Dhulgariiradaas oo cabirkoodu yahay 7.7 iyo 7.6 ayaa xuddun u ahaa Kahramanmaras waxayna ku dhufteen 10 gobol oo kala ahaa – Adana, Adiyaman, Diyarbakir, Elazig, Hatay, Gaziantep, Kilis, Malatya, Osmaniye, iyo Sanliurfa.

Waxay saameeyeen in ka badan 13 milyan oo qof, halka dhimashadu ay hadda kor u dhaaftay 44,200.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii lagu weeraray xarunta Degmada Wardhiigley (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kulan Xasaasi ah oo u socda Farmaajo iyo Rooble iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Qatar oo si adag u beenisay warar saacadihii lasoo dhaafay la baahiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---