Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo Wasiirro cusub magacaabay (Akhriso Wareegto)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka iyo Wasiiro Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug.

Dhusamareb: 25 Febraayo 2023: Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Mudane Cabdullahi Axmed Maxamed Wakiil, halka Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare loo magacaabay Cabdiwali Cali Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii faray dhamaan hay’adaha kala duwan, inay la shaqeeyaan wasiirada la magacaabay, si ay waajibkooda u gutaan.

 

Related posts

Dagaal afka ah oo ka dhashay Kursi oo ka dhax qarxay Erdogan iyo Mario Draghi !

Cabdi Cade

Sirdoonka Somaliland oo shaaciyay in ay qabteen xubno katirsan NISA oo …

Cabdi Cade

Magaca & Sawirka nin qaraxyo ka geystay dalka Maraykanka oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---