Allbanaadir.com
NEWS

Doorasho iska soo horjeeda oo ka dhacday Muqdisho iyo DF oo go’aan laga sugayo

Waxaa maanta labo hoteel oo kuyaalla magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu qabtay doorashada hoggaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ,oo muddooyinkii dambe khilaaf xooggan ka jiray habka loo marayo doorashadiisa.

Doorashada maanta ka kala dhacday magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan ergooyin lasoo xulay ugu kala doorteen Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya  Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa horey uga digtay khilaafka hareeyay doorashada xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya, waxa ayna horey u cadeeyeen in aysan aqbali doonin doorasho aan si sharci ah u dhicin.

Wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya ayaa dhankeeda marar badan xal u raadisay khilaafka ka taagnaa doorashada, waxa ayna wasaaradda horey u baajisay doorashooyin la mid ahaa kuwa maanta qabsoomay oo la qorsheeyay.

Dowladda Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa laga sugayaa go’aankooda ku aadan doorashooyinka maanta iska soo horjeeday ee ka kala dhacay magaalada Muqdisho, lamana oga in dhinac taageeri doonaan iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Putin oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka caalamiga ah ee G77 (Sawirro)

Cabdi Cade

(Warbixin) Maxaa ka jira in cabitaanka Coca Cola laga qaadi karo cudurka Kansarka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---