Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dagaal culus oo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab goordhaw dhax maray

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa daraawiishta  Galmudug iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada huwanta ah ayaa wararku sheegayaan in ay qaadeen howlgal balaaran ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaanno katirsan koonfurta gobolka Mudug oo wali gacanta Al Shabaab ku jira.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Qaycad duleedkiisa, waxa ayna ciidamada halkaasi ku weerareen fariisimo Al Shabaab lahaayeen.

Dagaalka ka dhacay gobolka Mudug ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasdho iyo dhaawac, waxaana saraakiisha ciidanka doewladda hoggaamineysa guulo ka sheegteen dagaalka ay la galeen Al Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa doonaya in dagaal kula wareegaan deegaannada Al Shabaab wali ka maamulaan gobolka Mudug gaar ahaan deegaannada Caad iyo Camaara .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Kumaandooska oo nolosha ku qabtay xubno katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliye sare oo katirsanaa Ciidamada Israa’iil oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al Shabaab gacanta ku hayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---