Taliye Ciidan oo ka badbaaday Qarax la doonayay in lagu dilo iyo Khasaaro ka dhashay

Qarax nuuca miinada ah ayaa lagu weeraray gaadiid uu la socday Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Abdulle oo ah taliyaha Guutada ilaalada madaxda Qaranka iyo hay’adaha muhiimka ah ee VIP ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa haleelay gaari Cabdi Bille ah oo booliiska leeyahay oo marayay agagaarka kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana la sheegay in qaraxa uu ka badbaaday taliyahan katirsan booliiska oo la doonayay in lagu dilo.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen askari katirsanaa ciidanka booliiska iyo sidoo kale labo qof oo kale oo shacab ah, waxaa sidoo kale ka dhashay qaraxa khasaaro kale oo dhaawacyo ah oo soo gaaray ciidan iyo shacab.

Ciidamo katirsan booliiska iyo milatariga ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxa ayna ciidanka halkaasi ka qaadeen dadkii ku dhintay qaraxa iyo sidoo kale dadkii kale ee ku dhaawacmay ee isugu jiray askarta iyo shacabka.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha waddooyinka ayaa mudooyinkan dambe kusoo yaaray magaalada Muqdisho, hasa ahaatee qaraxan ayaa dhacay xilli ammaanka caasimadda muddooyinkan uu soo hagaagayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -