Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Kumaandooska oo nolosha ku qabtay xubno katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah Al Shabaab kawada deegaanno katirsan gobolka Jubadda Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidanka huwanta ah howlgalka Al Shabaab ku gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna xuseen in wali ciidamada wadaan howlgalka.

Ciidamada Kumaandooska Danab oo howlgalka hormuud u ah ayaa gacanta ku dhigay 7-xubnood oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ,kuwaa oo lagu qabtay tuulada Soomarey oo hoos tagtay degmada Jamaame .

Ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran ka waday deegaanno katirsan gobolka Jubadda Hoose, waxa ayna howlgalladaasi ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab , halka kuwa kalana nolosha ku qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labada hogaamiye ee ugu da’da yar Carabta oo kulmaya

Caydiid Ali

Saadiq Al Mahdi oo geeriyooday iyo Sababta keentay geeridiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---