Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada booliiska oo saakay Muqdisho ku xiray Wariyaal iyo Sababta oo la ogaaday

Ciidamada booliiska ayaa saakay magaalada Muqdisho ku xiray Wariyaal tabinayay banaan bax ay dhigayeen qaar kamid ah darawalada magaalada Muqdisho oo ka cabanayay wadooyinka xiran iyo sidoo kale lacagaha canshuuraha ee laga qaado.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo soo gaaray goobta banaan baxa ka socday oo aheyd Isgooska KM-4 ayaa halkaasi ka xir xiray ilaa shan Wariye oo la sheegay in ay tabinayeen warka ku saabsan banaan baxa.

Ciidamada booliiska ayaa wariyaasha ay xireen kala wareegay qalabkooda shaqada sida Kaamirooyinka iyo cod duubayaasha, waxaana wariyaasha la sheegay in wali gacanta ugu jiraan ciidamada booliiska.

Talaabadan lagu xiray wariyaasha ayaa u muuqata mid lagu doonayo in lagu qariyo banaan baxa cabashada ah ay dhigayaan darawalada gaadiidka PL-ka oo ka cabanaya wadooyinka xiran iyo canshuuraha laga qaado.

Banaan baxyada ay dhigayaan wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaana kusoo noq noqonaya magaalada Muqdisho, waxaana saakay dibad baxayaal careesan gaadiidkooda BL-ka ku xireen Isgooska KM-4.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada oo magacaabay taliyeyaal ciidan oo uu ku jiro taliyaha rasmiga ah ee NISA

Caydiid Ali

Musharax madaxweyne oo caan ahaa oo shirqool lagu dilay iyo ninkii dilay oo…

Cabdi Cade

Nin loo xiray inuu ka qeyb qaatay kufsi wadareed dhacay 22 Sano ka hor (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---