Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo bandow ku soo rogtay degmo dhowaan laga saaray Al-Shabaab

Ciidamada Dowlada Somalia ayaa bandow ka bilaabanaya maqribkii illaa salaadda subax ku soo rogay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Xarardheere ayaa ka mid ah degaano iyo degmooyin dhowaan dagaal looga saaray kooxda Al-shabaab oo muddo dheer xukumeysay

Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in sababta bandowga loogu soo rogay Xarardheere ay tahay sidii looga hortagi lahaa fallal amni darro oo ka yimaada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in su’aallo la waydiin doono cid kasta oo magaalada soo gasha xiliyada socodka la ogolyahay.

Waxaa uu sheegay in shacabka degmada ay la shaqeynayaan ciidamada amaanka, iyagoo  u furmuuqa ayuu yiri shaqsiyaadka gacan saarka la lahaa Al-shabaabkii magaalada laga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka shaqeenaya in muddo kordhin loo sameeyo iyo Baarlamaanka oo…

Cabdi Cade

RW Rooble oo Garoowe ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo madaxda Puntland

Caydiid Ali

Dowladda oo ka hadashay Macalinkii Jaamacadda Umadda ee u baxsaday Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---