Qoor Qoor iyo Xaaf oo isku arkay xalay Munaasabad ka dhacday Dhuusomareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeyb galay caawa munaasabadda sanadguurada 15aad ee Galmudug oo ka dhacday caasimadda Dhusamareeb.

Munaasabadda sanadguurada 15aad oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Madaxweyne ku xigeenka DGM mudane Cali Dahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Dr. Maxamed Nur Gacal, xubnaha labada gole ee dowladda Galmudug, xubnaha ka tirsan labada aqal ee BFS, maamulka iyo shacabka Caasimadda iyo madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Axmed Ducaale Xaaf.

Qoor Qoor iyo Xaaf oo mududooyinkii dambe u dhaxeeyay khilafa xoogan ayaa xalay la arkayay iyaga oo is dhinac fadhiya oo sheekeesanaya, waxa ayna dadka qaar tilmaameen in is faham hoose labada masuul uu dhax maray.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray dhamaan dowladda iyo shacabka reer Galmudug meel kasta oo ay joogaan asagoona u rajeeyay in sanadkaan sanadkisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

- Advertisement -