Wasiir Cawad oo faah faahiyay kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland

Baraha bulshada iyo Warbaahinta waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday sawirro ay dhulka barakeesan ku galeen Wasiiro katirsan Xukuumada federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo kamid ahaa Wasiiradii la kulmay Madaxweynaha Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen Madaxweynaha iyo sida uu ku yimid.

Amb Cawad oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in hal Qasri ay wada degnaayeen Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayay Muuse Biixi sidaasna uu ku dhacay is aragooda.

Waxa uu sheegay Wasiirka in is aragooda Wafdiga Madaxweyne Biixi uusan siyaasad lug ku laheyn uuna ku yimid si caadi ah, waxa uuna xusay in aysan fasax u heysan in wax siyaasad ah kala hadlaan Muuse Biixi iyo xubnaha la socday.

“Waxaa arkay dad Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ku sugan oo siyaasadeynayay kulankaas, wax gaar ah kama wada hadal, siyaasad shuqul kuma laheyn, madaxweynaha waa xajinayay, anaga waa xajineynay, anaga ma aanan heysan fasax inaan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya aan ka hadalno, marka ku aragnay Xajka waa u tagnay waana sallaanay”ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya kadib markii siyaasiyiin ku dhaliileen Madaxweynaha Somaliland kulanka kooban uu la qaatay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Madaxweye Biixi horey u dhaliilay siyaasiyiin la kulmay Madax katirsan dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -