Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toogasho ka dhacday magaalada Manchester ee dalka Britain (Daawo Sawirada)

Toogasho dad lagu dhaawacay ayaa ka dhacday halka loo yaqaan Moss oo katirsan Manchester ee dalka Britain, toogashadan ayaana dadka ay waxyeelado kasoo gaartay waxaa ku jira labo caruur ah.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhaawacmay 10-qof ay ku jiraan labo caruur ah, waxa ayna toogashadan ka dhacday wado ay ka socotay xaflad sida uu sheegay Taliyaha booliska ee magaalada Manchester.

Waxa uu sheegay taliyaha booliiska in dadka ku dhaawacmay toogashadan ay qabaan dhaawacyo fud fudud, waxaana dadka toogashadan ku dhaawacmay lagu daweenayaa xarumo caafimaad.

Wali lama oga cida ka dambeysay toogashadan ka dhacday magaalada Manchester, booliiska ayaana wali war kasoo saarin toogashadan dhacday iyo waliba cida ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay heshiiska caawa lagu kala saxiixday Xafiiska RW Xamse? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Cirro oo la dardaarmay Guddoonka labada Aqal ee Somaliland

Cabdi Cade

Dowlada Iiraan oo War cusub ka soo saartay weerarkii ay xalay ku qaaday Israa’iil

Caydiid Ali
Taboola Ads ---