Naadiga Ardayda Minxadda Waxbarasho Ee Hormuud Salaam Foundation oo la Daah-furay (Sawirro)

Munaasabad lagu daahfurayay naadigii ugu horeeyay oo ay yeelanayaan ardayda deeqada waxabarashada ay siisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ay ka soo qeyb galeen wasiirka Wasaaradda waxabarashada xukuumada Soomaaliya Faarax Sheikh Abdulkadir, xildhibaano ,masuulyiinta ugu sareeysa hay’adda Hormuud Salaam Foundation, wakiilo ka socoday guud ahaan bahda waxbarashada, culimaa’udiin arday iyo Walidiin ayaa maantay lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalda Muqdisho.

Naadigan cusub aya waxaa ku mideeysan 120 Arday oo deeqa Waxbarasho ay siisey Hormuud Salaam Foundation iyo kuwa hada kadib ay siin doonto.

Cabdulahi Nuur Cusman Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa faahfaahiyay ujeedada loo asaaasay naadigan isagoo sheegay in uu ardayda isku xiri doono isla markaana ka qeyb qaadan doono hormumarintooda iyo iska warqabkooda.

Dr Maxamed Maxamuud Bideeye Gudoomiyaha midowga jaamacadaha Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Cabdullahi Galaanbe gudoomiye ku xigeenka Rugta Gancsiga iyo warshadaha soomaaliya, Cabdirashiida Cali Caynanshe oo ka mid ah masuulyiinta Shirkada Hormuud iyo xildhibaan Yuusuf Xayle oo munaasabad ka hadalay ayaa dhankiisa bogaadiyay  Hormuud Salaam Foundation.

Wasiirka Wasaaradda waxabarashada Xukuumada Soomaaliya Faarax Sheekh Abdulkadir oo Munaasbada soo xiray aya sheegay in mar walba uu la shaqeeyna doona kuwa Bulshada gacan siiya dhanka waxbarashada iyo dhanka hormarinta oo ay ugu horeeyso Hormuud Salaam Foundation.

Hormuud Salaam foundation ayaa si sanadlaha u siisa deeqo waxbarsho ardayda dhameysata dugsiyada saree e dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -