Dadka aan Soomaalida aheyn oo dib loogu celiyay Hanti looga boobay magaalada Godey

Waxaa dhawaan magaalooyin katirsan Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhacay rabshado xoogan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo boob, waxa ayna rabshadahan saameyn badan ku yeesheen magaalooyin kale oo kuyaala dalka Itoobiya.

Magaalada Godey waxaa ka dhacay rabshado daba socday kuwii ka dhacay magaalada Jigjiga, waxaana rabshadaha ka dhacay Godey lagu boobay hantida dad kasoo jeeda Qowmiyadaha Itoobiya.

Xubno ka tirsan Golaha Sare ee Islaamka Itoobiya xafiiskiisa Godey ayaa bilaabay dadaalo looga hortagayo mar kale ka dhacaan Godey Rabshado, waxa ay sidoo kale bulshada ku wacyi galiyeen in ay dib usoo  celiyaan hantidii laga boobay dadka aan Soomaalida aheyn.

Dadka ku dhaqan magaalada Godey ayaa dib usoo celiyay hantidii laga boobay dadka aan Soomaalida aheyn, waxa ayna arintan ku timid dadaalka ay sameeyeen culimada magaaladaasi ku dhaqan.

Shariif Cabdifataax Shariif Cumar oo ka tirsan gudida arintaa isku xil qaantay ayaa sheegay in ujeedadoodu ahayd xasilinta deegaanka iyo in aanay abuurmin colaad dhex marta qoomiyadaha Itoobiya.

Waxaa hada degan magaalada Jigjiga iyo magaalooyinkii kale ee  dhawaan ka dhaceen rabshadaha, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo rabshadihii dhacay iyo waxyaabihii sababay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -