Taliyaha Booliska Somalia oo shaaciyey inuu xaliyey musuq ka jiray xarunta CID-da

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Sulub Axmed Firin oo dhowaan xilka la wareegay ayaa sheegay inuu meesha ka saaray caqabado badan oo bulshada ka haystay xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Xaruntan ayaa laga qaataa warqadaha dembi la’aanta muwaadinka oo lagu xiro dadka doonaya iney qaataan baasaboorka Soomaaliga, kuwa dhoofaya iyo kuwa shaqada u doonta xarumaha dowlada.

Dad muqasalasiin ah oo ku xiran saraakiisha CID-da ayaa dadka doonaya warqadaas ka qaadan jiray lacago ka badan qiimaha loogu tala galay si ay ugu fududeeyaan iney waqti aad u kooban ugu soo saaraan warqadaas, iyadoo qofkii iska diida lacagta dheeriga ah lagu dhibayo helida warqadaas oo ku qaadata inuu dhowr maalin ku laalaabto.

Lacagtaas musuqa ah ee loo yaqaanay howl fududeynta ayaa waxaa kala qeybsan jiray ragga muqalasiinta ah iyo saraakiisha ka howlgala xaruntaas.

Taliyaha Booliskla DF Sulub ayaa sheegay inuu gebi ahaanb meesha ka saaray lacagahaas howl fududeynta ah wixii hadda ka dambeeyana aan muwaadinka laga qaadi doonin lacag ka badan qiimaha caadiga ah.

“Waxaan ku guuleysanay xalinta Cabasho ka jirtay CID waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyad-san uu aado. Waxaa baabi’inay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeyaha la oran jiray,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed firin ayaa Tababar soo xiray 25 xubnood oo muddo 6 bilood ah tababar ku qaadanayay Magaalada Muqdisho, xubnahan  oo ka mid ah Ciidanka Booliska Qeybta Baanda Muusiko ayaa loo tababaray Dowlad Goboleedka Galmudug, iyada oo tababar noocan ah hore loogu qabtay Booliska Dowlad Goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -