Amiirka Qatar oo loo Oggolaaday in uu iibsado Kooxda Manchester United iyo Lacagta …

Maamulka xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa go’aamiyay haddii Man United ay dalab ka gudbin karaan Bilyaneerada Qatar ee uu ugu horreeyo amiirka dalkaas Sheikh Thamim Bin Hamad Al Thani.

Iyadoo durba dalabaad laga gudbiyay iibsashada Man United oo Bilyaneero badani ku tartamayaan ayaa lagu wadaa inay doorkooda soo galaan maal galiyayaasha ka socda Qatar.

Shaqsiga kaliya ee ilaa haatan laga warqabo inuu dalabkiisa Man United gudbiyay ayaa ah Bilyaneerda British-ka ah ee Sir Jim Ratcliffe.

Laakiin dalabka Qatar ka imanaya ee uu amiirka dalkaasi hoggaaminayo ayaa la filayaa inuu qiimo ahaan uga dhawaado 5ta Bilyan ee ay dalbanayaan qoyska Glazer ee hadda iska leh Manchester.

Qatar ma doonayso inay iibsato kaliya qayb yar oo kamida Man United balse waxa ay kaliya rabaan inay iibsadaan kooxda oo isku dhammaystiran, waxa lacagta ay kooxda ku iibsanayaan u dheer oo ay qorshaynayaan 1.2 Bilyan pound ay xarunta tababarka kooxda iyo Old Trafford dib ugu habaynayaan.

Haatan wargeyska Daily Mail ayaa sheegay war ay ku farxeen taageerayaasha Red Devils oo ah inay UEFA aqbashay inay Man United dalab ka gudbin karaan maamulka Qatar maadaama ay u sharaxeen inay kala laba dhinac oo kala duwani PSG iyo Man United u kala maamuli doonaan.

by Abdihakem Omer Adam

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -