Allbanaadir.com
NEWS

Askari dil bareer ah qof Shacab ugu geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga booliiska degmada Cabdicasiis ayaa gacanta ku dhigay askari katirsan ciidanka dowladda oo dil ka geestay magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay askarigan ayaa dilay wiil dhallinyaro ah oo damaashaad u aaday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ,kaddib muran dhax maray marxuumka iyo dilka geestay.

Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in ciidamada amniga gacanta ku hayaan askariga dilka geestay loona gudbin doono maxkamadda ciidamada.

Dilalka ciidanka dowladda magaalada Muqdisho ugu geesanayaan dadka shacabka ayaa sii kordhaya muddooyinkii lasoo dhaafay, waxa uuna dilkan noqonayaa kii labaad oo maanta kaliya ciidamada Muqdisho ugu geestaan qof shscab ah.

Related posts

Jubbaland oo dhaleeceysay amar ay bixisay dowlada Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Mid ka mid ah Suuqyada waaweyn ee Muqdisho oo laga buufiyey COVID-19

Caydiid Ali

Soomaalida ma Shan dal in ay noqoto ayaa wanaagsan mise dal kaliya isku noqoto ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---