Axmed Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Mohamed El-Amine iyo Xubno la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka gaarka ah e Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo booqasho ku yimid Jubaland.

Wafdiga  Mohamed El-Amine Souef  hoggaaminayay ee Kismaayo tagay waxaa kamid ahaa qaar kamid ah wakiilada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Dowlada Jubaland ayaa lagaga hadlay dardar galinta howlgalada dib u xoraynta ee Dowlada Jubaland ay ka wado qeybo badan oo kamid ah Jubaland iyo sidii howlgaladaas ay uga qeyb qaadan lahayeen Ciidamada ATMIS ee ku sugan Jubaland.

Wakiilka gaarka ah e Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa u ballanqaaday madaxweynaha Jubbaland in ay gacan ka siin doonaan howlgalada ka dhan ah Al Shabaab.

Deegaannada maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uga bilowdaan howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , howlgalka xoogiisa ayaana la damacsan yahay in Al Shabaab looga saaro gobolka Jubada Dhaxe oo guud ahaantiisa maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -