Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW ku-xigeenka oo ka qeyb galay xuska Maalinta Jamhuuriyada Talyaaniga (Sawirro)

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho kaga qayb galay xaflad lagu maamuusayay Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga.

Munaasabadda lagu maamuusay Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga oo ku beegan June 2, ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr. Carlo Campanile, mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Safiirrada Dalalka caalamka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa Dowladda Talyaaniga ugu hambalyeeyay xuska Maalintan, wuxuuna sheegay in Talyaaniga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xariir xooggan oo soo jireen ah.

Laga soo billaabo 1946, Sannad kasta ayaa Dalka Talyaaniga iyo Safaaradaha uu caalamka ku leeyahay waxaa laga wayneeyaa 2-da Bisha June oo ah Maalintii Talyaanigu uu ka guuray Boqortooyada ee uu isu beddelay Jamhuuriyad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeeysan fal dil ah

Caydiid Ali

Raila Odinga oo Balan qaaday in uu dib soo celinayo Suuqa Qaadka Kenya ee Soomaaliya.

Cabdi Cade

Nabad Sugida Soomaaliya oo faah faahisay nin u shaqeeya Shirkad Ganacsi oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---