Hormuud Telecom oo ku Guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah Ee ISO/IEC

Shirkadda Hormuud Telecom, ayaa la siiyay Shahaadada caalamiga ah ee ISO/IEC 27001:2013 ee Nidaamka Maareynta Amniga Macluumaadka iyadoo ay bixisay Bureau Veritas.

Kadib qiimeyn iyo hubin balaaran oo ay shirkada Bureau Veritas Group  ku sameeysay shirkadda Hormuud telecom ayey gudoonsiisey shahaadadan caalamiga ah.

Bureau Veritas oo ah shirkad  Caalami ah oo laga leeyahay Faransiiska lana aasaasay 1828 ayaa qirtay in Hormuud ay buuxisay heerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee dejinta, hirgelinta, ilaalinta iyo hagaajinta joogtada ah ee hababka maaraynta amniga macluumaadka.

Guddoomiyaha Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf oo ka hadlayay guusha Shirkadda, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Hormuud Telecom in ay door muhiim ah ka qaadato abuurista jawi u suurtagelinaya ganacsiyada in ay horumaraan, dadkuna ay barwaaqoobaan.

“Adeegga Digital-ka ah waa laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya. In la aqoonsado amniga macluumaadka Shirkadda Hormuud si heer-caalami ah, waxay muhiim u tahay guusha mustaqbalka fog,” ayuu yiri Axmed Maxamuud Yuusuf.

In ka badan afar meelood saddex meel dadka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso illaa 15 milyan oo qof, ayaa isticmaala EVC Plus, adeegga lacagta mobile-ka ee Hormuud Telecom, oo sidoo kale bixisa adeegga Internet-ka u jaban/raqiisan qaaradda Afrika oo dhan.

Waxay sidoo kale Shirkadda xal u keentay caqabad ka taagnayd xaga lacag-usoo-dirista dalka, iyadoo xitaa Hay’adaha Caalamiga ah u sahashay in ay usoo diraan lacagaha mucaawinada ah dadka ay abaaruhu saameeyeen, oo ay adagtay in gargaar lagu gaarsiiyo meelaha ay ku noolyihiin.

Hormuud ayaa hadda ku biirtay liiska Shirkadaha Isgaarsiinta Caalamiga ah ee la guddoonsiiyay abaal-marinta ISO/IEC 27001:2013 ee Nidaamka Maareynta Amniga Macluumaadka .

Ugu dambeyn, shahaadaan ayaa kamid noqoneysa abaalmarino iyo shahaaadooyin calami ah oo ay shirkaddu horey ugu guuleysatay sida ISO 9001-2015., GSMA, CHANGING LIVES AWARD iyo GLOMO.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -