Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye ku-xigeenkii Somaliland ee Gobolka Sool oo ku biiray xoogaga SSC

Guddoomiye ku-xigeenkii Somaliland ee Gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu u hayay xukuumada Somaliland, isaga oo masuuliyiinta kale ee deegaanka kasoo jeeda ee xilalka hayana ugu baaqay in ay is casilaan.

Saleebaan Diiriye Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa ku  eedeeyay  Somaliland ineyu geysatay xasuuq ka dib markii madaafiicdii  lagu garaacay magaalada Laascaanood ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac leh u geysteen dad shacab ah.

Waxaa uu  waxba kama jiraan tilmaamay wararka Somaliland ay  faafisay ee sheegaya in kooxo argagixiso ah ay kula dagaalameyso Laascaanood isagoo xusay in dagaalka uu u dhexeeyo shacabka degaanka iyo ciidamo ka amar qaata maamul doonaya inuu xoog ku qabsado degaankooda.

“Waxa aan caddaynayaa ma jirto argagixiso waxa dagaallamaya ciidanka Soomaliland  iyo dadkii deegaanka, anigana dagaalka ayaan ku biirayaa, xalka waa inuu  Muuse la baxo ciidankiisa” ayuu yiri Saleebaan Diiriye Cabdi.

Mas’uulkan iscasilay ayaa dhawaan waxay Soomaliland u magacawday gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool, waxaana hadalka masuulkan uu ku soo beegmayaa xili uu maalintii dagaal ka socdo magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Sacdiyo: “Gaal ayaa loo dhawaanayaa, waana lawada Gaaloobayaa haddii..

Caydiid Ali

Madaxii Sirdoonka Israa’iil oo is casilaya iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade

Musharaxiinta Mucaaradka Puntland oo go’aan mideysan qaatay kana hor-yimid guddiga…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---