Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Lamaane u dhashay Switzerland oo qaatay Islaamka ka dib muddo ay Turkiga ku noolaayeen

Lamaane u dhashay dalka Switzerland oo ku noolaa Dalka Turkiga ayaa qaatay Diinta Islaamka kadib markii uu saameeyey dhagaysiga eedaanka salaada.

Lamaanahan oo jira da’da 76 odayga iyo islaanta oo jirta 62 Isla markaana muddo shan sano ah ku noolaa Dalka Turkiga ayaa sheegay iney la dhaceen dhawaqa eedaanka salaada iyo cibaadada iyo ducada ay deriskoodu muujin jireen.

Intaa kadib Lamaanahan ayaa go’aansaday iney qaataan diinta Islaamka markii ay Islaam-nimada si dhab ah u soo galeena waxay magacyadoodii u badilee Xuseen iyo Wink.

“Markii aan aragnay Islaamka, waxaan ogaanay cida aan nahay, waxaan rabnaa inaan ku dhameysano nolosheenna inta ka dhiman Diinta Islaamka.” ayuu yiri Xuseen oo intaas ku daray iney baaritaan dheer ogaadeen in Islaamku yahay diinta saxda ah ee ALLE xagiisa laga aqoonsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn khasaaro geesatay oo ka dhacday Jilib

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dad shacab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Jubbada hoose

Caydiid Ali

Dalalkii ugu horeeyey oo u dabaaldegay bilowga Sanadka cusub ee 2020 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---