Go’aan cusub oo saameyn leh oo laga soo saaray askarta Shacabka disha ee haddana baxsata

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayay ciidanka katirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliiska oo inta dad shacab ah dilaan haddana goobta ay dilka ka geestaan si fudud uga baxsada.

Taliyaha ciidanka booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, Macalin Mahdi Cumar ayaa sheegay in ay soo badanayaan askarta dilka geesata haddana goobta ka baxsada iyaga oo aysan tallaabo qaadin askarta kale ee la joogta askariga dilka geesta.

Waxa uu sheegay taliyaha in hadda kaddib askarigii dil geesta haddana si fudud uga baxsada goobta uu dambiga ku galay loo ciqaabi doono loona xiri doono askarta kale ee xilligaasi la joogta askariga dilka geesta ee u ogolaatay in uu baxsado.

“Bulshada waxaa la idin diray ilaalintooda, amnigooda, naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. Askari kasta oo idinka mid ah waxaa la idinka rabaa in uu ka shaqeeyo badqabka shacabka, haddii qalad uu dhaco yeysan dhicin askarigii waa baxsaday. Askarigii goob ciidan jooga inta uu qof ku dila fakada waxaa loo xiraa askartii la joogtay. Qofka u horeeya ee la rabo in uu qabto waa askariga la jooga” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa sheegay in go’aankan usoo saareen, kaddib markii ay soo bateen askarta fal dambiyeedka geesata haddana iyada oo loo jeedo si fudud goobta uga baxsata.

Macalin Mahdi ayaa ka codsaday maxkamada ciidamada in ay dhaqan geliyaan go’aankan cusub ee lagu ciqaabayo askarta joogta goobta dilalka ama fal dambiyeedka kale ka geestaan askarta ee haddana baxsata.

Ciidanka dowladda ee ku sugan baraha koontarool ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaana mararka qaar dad shacab ah dil u geesta, waxaana dhacda askarta dilalka geesta in goobta isaga tagaan iyaga oo ay u jeedaan askartii kale ee shaqada kula jirtay xilligaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -