Madaxweyne Qoor Qoor oo labo arrin kala hadlay Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa la kulmay safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry Andre, iyagoona ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan Galmudug.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay la dagaalanka argagixisada iyo sidii dalka looga sifayn lahaa, iyadoo Galmudug ay ka socdaan dadaalo iyo diyaar garow xoogan oo ka dhan ah argagixisada.

Sidoo kale, madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo Safiirka Mareykanka ayaa isla soo qaaday abaarta ka jirta dalka, gaar ahaan Galmudug iyo sidii loo kordhin lahaa gargaarka bini’aadanimo, iyagoona ugu danbayn ka wada hadlay dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay wakiillo katirsan beesha Caalamka ,kuwaa uu kala hadlay dhinaca ammaanka iyo sidoo kale abaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -